Shiikh Shariif: “Beri waa maalin taariikhi ah, waxaana dhici doona dibedbax weyn” (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed. haatana ka tirsan Musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka beri ka qeyb galaya dibed-baxa looga horjeedo Farmaajo iney ilaaliyaan Nabada iyo sharciga.

Shiikh Shariif ayaa galabta hadalkan ka jeediyey Taalada daljirka Dahsoon ka dib socod dhoolatus ah oo ay halkaas ku tageen koox musharaxiin ah oo uu isagu ka mid ahaa.

Waxaa uu intaas ku daray in mudaaharaadka beri uu astaan u yahay inaan la khasaasirin dedaalkii ay shacabka Soomaaliyeed ku bixiyeen dowladnimada isagoo xusay in shacabka ay fahamsan yihiin qiimaha uu leeyahay dibed baxan sida uu hadalka u dhigay.

“Beri waa maalin taariikhi ah, halkan waxaan rajeynaynayaa inuu ka dhaco dibed bax weyn oo ujeedadiisu tahay ilaalinta xoriyadda, sharciga iyo Dimoqraadiyada, waxaan  ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed iney ka soo qeyb galaan” ayuu yiri Shiikh Shariif.

Ciidamada amaanka DF ayuu ku amaanay shaqada ay u hayaan bulshada, isagoo sheegay inuu ku wargelinayo ciidmada iney ogaadaan in dibad baxa beri uu yahay mid nabadeed oo lagu xoojinayo Nabada iyo dowladnimada, wuxuuna ka codsaday ineysan carqaladeyn oo taas bedelkeedna ay ka shaqeeyaan amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -